Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo bilaabeysa abaabul dagaal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya, ayaa hakkisay howlgalkii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ee ka socday qaar kamid ah gobolada dalka, waxa ayna dhinaca kale kooxda Al Shabaab heshay fursado ay ciidamo cusub ku diyaarsadaan si ay u difaacdaan deegaannada ay wali heestaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxa uuna halkaasi kula kulmay taliyaasha ciidanka xoogga dalka , nabbadsugida iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda Gaashaandhigga katirsan.

Xasan Sheekh , ayaana kala tashanayay taliyaasha iyo masuuliyiinta kale sida ugu habboon ee dib loogu bilaabi karo howlgallada ka dhanka ah kooda Al Shabaab, gaar ahaan deegaanno katirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u sheegay taliyaasha ciidamada uu la kulmay in la diyaariyo istaaraatiijiyad cusub oo dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, kaa oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin badan oo gacantooda ku jira.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa horey u bilowday howlgallo ka dhan ahaa Al Shabaab , kaa oo wajigiisii hore ciidamada guulo ka gaareen, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo laabtay degmooyin iyo deegaanno ay Al Shabaab uga saareen dagaallo dhiig badan ku daateen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo shaaciyay in ay sameesanayaabn lacag iyaga u gaar ah

Cabdi Cade

Tarsan “Baarlamaanka shaqadii loo doortay ma hayo ganacsi Siyaasadeed ayuu ku jiraa”

Caydiid Ali

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo noqday guddoomiye & afhayeen la’aan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---