Kooxda Xamaas , ayaa sii daayay xalay saddex haween Israa’iiliyiin ah oo kamid ahaa dadkii ay sannad ka badan afduubka u hessteen, waxaana haweenkan lagu beddeshay oo iyana la sii daayay 90-qof oo Falastiiniyiin ah oo xabsiyada Israa;’iil ku xirnaa.
Xamaas, ayaa mid kasta oo ka mid ah saddexda maxbuus wa ay sii deysay, waxay hadyad ahaan u siiyeen khariirada marinka Qasa iyo sawirro laga soo qaaday maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee ku xiran magaalada Qasa, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.
Warbaahinta Israa’iil , ayaana si weyn u hadal haya hadiyadahan layaabka leh ee Xamaas siiyeen haweenka ay sii daateen, waxa ayna ugu tala galeen in Israa’iil ogaato in aysan awood u laheyn in ay xoog kusii deyso dadka gacanta Xamaas ku jira.
Ehelada dadkooda gacanta ugu jiraan kooxda Xamaasl ayaa aad u daneenaya in ay helaan xogta ehelkooda Xamaas afduubteen, iyadoona maxaabiis badan ay ku dhinteen dagaalkii Gasa ka dhacay iyo sidoo kale duqeymaha Israa’iil ay geesatay.
Kooxda Xamaas waxay doonaysa mar kale inay sharad la gasho maamulka Israa’iil iyo Mareykanka oo ah; iskudaya mar kale inad Qasa ka raadiyaan maxaabiista, tana waa wajiyadooda haddii aad iloodeen iyo khariiradiiye si fiican u eega.
Heshiiska ay gaareen Xamaas iyo maamulka Israa’iil, ayaana horseedaya in maxaabiis labada dhinac kala heestaan lasii daayo, waxa ayna markan Israa;’iil u muuqataa in ay is dhiibtay oo xal nabaded wax ku raadineyso, baddelkii ay awood adeegsan laheyd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com