Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal qof oo iskugu soo baxay jidadka burbursan ee Gaza (Sawirro)

Iyadoo xabbad joojintu ay subaxnimadii Axadda ka dhaqan gashay Qaza, ayaa boqolaal Falastiiniyiin ah waxay dib ugu soo laabteen degaannadooda burburay waxayna muujiyeen farxad ay muddo dheer raadinayeen.

Xabbad-joojintu waxay suurtogal u noqon doontaa in dadka rayidka ah ee Gaza ku nool ay habeenka ugu horreeya nastaan iyadoo aan weerarro ama hawlgallo millatari la qaadin muddo sannad ah.

Magaalada koonfureed ee Rafah ee sida weyn loo xasuuqay, dadwaynuhu waxay dib u socdeen si ay u raadiyaan wax kasta oo wali ka taagan xaafadahooda.

Mohammad Al Qaadi, oo ka soo barakacay Rafah, ayaa si isku mid ah u murugooday.

“Waa nalaga adkaaday. Nolol ma lihin, waxaan ku noolaan doonaa waddooyinka. Waxaan u imid anigoo rajaynaya inaan arko gurigaygii oo weli taagan, laakiin waxaan helay isagoo burbursan,” ayuu yiri Al Qaadi oo ka yimid Rafah.

Waqooyiga Qaza, dadku waxa ay alaab ku wateen gaari-dameero iyo baaskiilo, xilli ay raadinayaan guryahooda. Qaar ka mid ah ayaa u dabaaldegay xabbad joojinta, iyagoo bixinaya nacnac.

Dadka ku nool waqooyiga ayaa muujiyay farxad kadib markii ay dhaqan gashay xabad joojinta balse waxay ka walaacsan yihiin sida qoysaskooda ay ula qabsan doonaan maalmaha soo socda.

“Gurigeyga waxaa la burburiyay lix bilood ka hor waxaa laga yaabaa inaan ku noolaanno teendho” ayuu yiri Talaal Abu Al-Sayed, oo reer Jabalya ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Geeridii ku timid Cabdiraxiin Caabi Faarax

admin

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda RW Rooble & Musharax C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Niger oo amartay in qasab looga saaro dalkaas danjiraha dowlada Faransiiska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---