Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas & Israel oo isweydaarsaday Maxaabiistii u horeysay (Sawirro)

Saddexda la hayste ee Israa’iili ah ee ay Xamaas sii daysay Axaddii maanta ayaa hadda dib ugu laabtay Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay milatariga Israa’iil.

Romi Gonen, Doron Steinbrecher, iyo Emily Damari ayaa dib ula midoobay hooyooyinkood, kuwaasoo u safray Re’im ee koonfurta Israa’iil, si ay ula kulmaan qoysaskooda.

“La haystayaasha la sii daayay waxay hadda ku sii jeedaan goob soo dhawayneed oo bilow ah oo ku taal koonfurta Israa’iil, halkaasoo ay ku mari doonaan qiimayn caafimaad oo bilow ah,” ayuu yiri milatarigu.

Kadib waxaa loo wareejin doonaa Xarunta Caafimaadka Sheba ee Tel Aviv.

Horaantii Laanqeyrta Cas ayaa dadka la qafaashay ku wareejisay millatariga Israa’iil ee ku sugan Gaza, sida ay milatarigu bayaan ku sheegeen.

Israa’iil ayaa Dhinaceeda sii sii deysay 90 maxbuus sida ku cad liis ay soo saartay ururka maxaabiista Falastiiniyiinta.

Waxaa ka mid ah 69 dumar ah iyo sagaal caruur ah oo aan qaan gaarin, kuwaasoo kan ugu yar uu yahay 15.

Wasaarada cadaalada ee Israel ayaa horay u sheegtay in 95 qof la sii dayn doono. Dhawr qof oo liiska ku taxnaa ayaa markii dambe loo aqoonsaday in mar hore la sii daayay.

Israa’iil waxa ay haysaa ugu yaraan 10,000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen guddiga arrimaha maxaabiista iyo ururka maxaabiista Falastiiniyiinta.

Tirada maxaabiista falastiiniyiinta ah ee ay Israa’iil haysato waxaa ku jira 3,376 qof oo lagu hayo xabsi maamul, taasoo la macno ah in aan wax dacwad ah lagu soo oogin ama aan wajihin maxkamad, oo ay ku jiraan 95 carruur ah iyo 22 haween ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Wasiirka Difaaca & taliyaha XDS oo gaaray degaano laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

Xabad joojin ka dhaqan gashay Sudan iyo xaalada Khartuum oo xasiloon

Caydiid Ali

Daawo:-Villa Somalia oo Cadaadis xoogan kala kulmeysa Qorshaha Muddo kororsiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---