Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo sii deysay 3 la heystayaal reer Israel ah (Sawirro)

Gaadiidka hay’adda Laanqayrta Cas ayaa billaabay inay gudaha u galaan marinka Qasa, si ay u soo qaadaan 3 maxaabiista Israa’iiliyiinta oo dhammaantood haween ah oo ay Xamaas sii deynayso maalinta koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta.

Docda kale,  Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay billowday hannaanka ay ku sii deynayso 90 maxbuus Falastiini ah taas oo qayb ka ah heshiis is dhaafsiga maxaabiista.

Ugu yaraan 200 oo dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ayaa goobjoog u ahaa goobta lagu wareejiyay saddex maxbuus ee Israa’iiliyiin ah oo dhammaantood haween ah, kuwaasoo lagu wareejiyay hay’adda Laanqayrta Cas oo ku wareejin doonta Israa’iil. Boqollaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha oo ku yaalla koonfurta Qasa.

Wargeyska Israa’iil ee  Israel Hayom, ayaa ku warramay in Israa’iil ay sii deyn doonto 90 maxabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddelayo 3 Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas maanta sii deynayso— Falastiiniyiinta la sii deynayo  78 ka mid ah waxay aadi doonaan daanta galbeed halka 12 ka mid ah ay aadi doonaan bariga Qudus.

Xamaas ayaa sheegtay inay sugeyso 90 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay ku beddelanayaan saddexda maxbuus ee haweenka Israa’iiliyiinta ah ee la sii deynayo maalinta koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta , iyadoo maxbuus kasta lagu beddelanayo 30 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

Abu Cubayda, afhayeenka garabka hubaysan ee iska caabinta Qasa, ayaa shaaciyay magacyada saddexda haweenka Israa’iiliyiinta ah ee ay maanta sii deynayaan, kuwaasoo kala ah ; Romi Gonen, 24, Emily Damari, 28, iyo Doron Shtanbar Khair, 31.”

DAAWO SAWIRADA

Related posts

Heshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Galmudug oo Eedeyn culus u jeedisay dowlada Federaalka Soomaaliya (Akhriso)

Cabdi Cade

Go’aanno xasaasi ah oo kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta iyo Maxkamad loo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---