Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya inay u yeertay safiirkeeda u fadhiya Kenya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad.
“Ma aan wicin safiirkeena,” ayuu yiri Cali Balcad wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada Somalia.
“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Somalia.
Hadalkaan ayaa ka soo baxay ka dib markii warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah qaarkood ay tabiyeen in Soomaaliya u yeeratay Safiirkeeda Nairobi.
Warar horey u soo baxay ayaa sheegayey in Soomaaliya ay wadatashi ugu yeeratay safiirkeedii u joogay dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle taasoo la sheegayey iney la xiriirto safar uu shalay Kenya ku tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo dowladdu ay saartay xannibaad dhanka socdaalka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho iyadoo u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarkii maanta uu Nairobi ku tagay hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe
Diyaarad gaar ah ayaa magaalada Kismaayo ka qaaday Axmed Madoobe taasoo ka dejisay magaalada Nairobi xili DF ay xanibaad ku soo rogtay hogaamiyaha Jubbaland
Xiriirka dowladda federaalka ah iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilooyinkii u danbeeyay xumaa, waxaana dowladdu ay u jartey amar lagu soo xiraayo taasi oo ay Jubbalan uga jawaabtey amar kale oo madaxweynaha dowladda federaalka lagu soo xiraayo.