Duulimaad diyaaradeed oo ka tagay Addis Ababa ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxaana ay halkaas ka qaaday xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland & Odayaal dhaqan, oo ay qaarkood ku dajisay magaalada Doolow ee gobalka Gedo oo ay xayiraad duulimaad saartay Dowlada Somalia
Sidoo kale diyaaradan ayaa u gudubtay magaalada Addis Ababa, iyadoo geysay xubno katirsan golaha wasiiradda Jubbaland oo ku sii jeeda dalka Kenya si ay hallkaas dayuurad kale uga raacaan
Todobaad ka hor Madaxweyne Xassan Sheekh oo booqday Addis ababa ayaa sheegay inay Abiy Axmed isku raaceen in DFS la taageero, oo looga dambeeyo arrimaha gudaha derisnimada la ixtiraamo, balse taas ayaa u muuqata mid meesha ka baxday
Diyaaradan ayaan haysan ogolaanshaha Hay’adda duulista hawada ee dawladda faderaalka, oo ay horey Jubbaland ugu eedeysay in ay siyaasad dhex gashay oo aan lagu kalsoonan karin.
Dawladda Faderaalka ayaan talaabada Itooboiya ka hadlin illaa hadda, xili ay shalay ay ka dacwootay Kenya oo ay Villa Somalia iyadoo ka ashtakooneysa dayuurad ka timid Kenya oo Axmed Madoobe ka qaaday Kismaayo