Allbanaadir.com
NEWS

Runta Kharaar : Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe !

Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin , ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku fashilmay dagaalkii uu kula jiray Axmed Madoobe, waxa uuna xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan laheyn kartideeda in uu la dagaallo ama la heshiiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

”Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa uu intaasi kusii daray Fahad Yaasiin” “Cudurrada qaarkood hadaadan iska daaweyn karin waxaa jira kaniiniyo loo qaato si aad ula noolaato xanuunka. Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado”

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ayaa kula taliyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in nabadda iyo colaada ay dhawdahay nabadda, waxa uuna xusay in dowladii hore uu katirsanaa aqbashay in xanuun ku noolaato si xal loo helo.

“Nabad iyo colaad waxaa hadeer dhaw nabadda. Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo”  ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo shaacisay magacyada saraakiil katirsan Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay sababta uu Farmaajo u hor taagan yahay kiiska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali

Labo Dowladood oo lacag badan ku bixinaya Khilaafka Farmaajo iyo Rooble !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---