Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaal ciidan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda, si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagaxisada ee Al Shabaab.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen ciidammada xoogga dalku.

Kormeerka Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga , ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda qorsheeneyso in howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka bilowdo qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Heshiis horumarineed oo haldoorka Soomaalida dhexdooda laga dhigo ayaa hortebin u leh dowladda cusub

admin

Xildhibaanada Habar gidir oo raali gelin siiyey kuwa K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---