Allbanaadir.com
NEWS

”Sawirro” Hirshabelle oo ciidamo cusub diyaarsatay iyo Cali Guudlaawe oo ….

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta u soo gunaanuday tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee daraawiishta Hirshabeelle, kuwaas oo qeyb ka noqonayo booliiska Hirshabeelle.

Munaasabadda tababarka lagu soo gabogabeynayey waxa kale oo goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo taliyaha ciidanka booliska maamulka Hirshabeelle.

“Adkeysi iyo dulqaad ayaad muujiseen muddadii tababarka, waxaa la joogaa waqtigii aad xaqiijin laheydeen amniga guud ahaan Dowladda Hirshabeelle. Waxaad aflaxdeen idinkoo agabkiinna idiin dhammeystiran yahay.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ,ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 askari oo maanta tababarka loosoo afmeeray inay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle, kana shaqeeyaan amniga guud ee Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Cabdi Cade

Dil ka dhacay gudaha Hotel kuyaalla Hargeysa iyo ninkii ka dambeeyay oo lasoo qabtay

Cabdi Cade

Fiqi: “Saddex mucjiso ayaa ka dhacay xaruntii Madaxtooyada Qaranka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---