Barta bulshada ee Tiktok, ayaa hawada dalka Mareykanka ka baxday , saacado kahor inta aan la gaarin dhaqangelinta sharciga cusub ee guud ahaan dalkaasi looga mamnuucayo in laga isticmaalo barta sida weyn dhallinyarada u isticmaalaan ee Tiktok.
Dadka ku dhaqan dalka Mareykanka , ayaa markii ay isku dayeen isticmaalka barta Tiktok, ku guuldareestay in ay galaan , waxaana gabi ahaan hawada ka baxay bartaasi oo ay isticmaali jireen malaayiin qof oo reer Mareykan ah.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa saacado kahor sheegay inay u badan tahay inuu TikTok siiyo muddo 90 maalmood ah intaan la mamnuucin marka uu xilka qabto maalinta berri oo Isniin ah.
Barta TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gudaha dalka Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil, kuwaas oo adeegsada abka shirkaddan , waxaana dadka isticmaala u badan dhallinyarada , kuwaa oo si weyn ugu xiran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com