Dowlad goboleedka Puntland, ayaa si adag u cambaareysay ugana hortimid deeq raashin ah oo dowladad Soomaaliya ugu deeqday deegaannada maamulkaasi, deeqda ayaana la sheegay in aan si rasmi ah loo marsiin loona ogeysiin maamulka uu hoggaamiyop Siciid Deni.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA ayaa deeq raashin ah oo ay ugu tala gashay 3-kun oo qoys oo kunool deegaannada Puntland, waxa ay ku wareejisay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato), si uu u gaarsiiyo dadka deeqdaasi loogu tala galay.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Puntland Marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa si adag uga hortimid deeqdan raashinka ah ee DFS ugu deeqday dadka degan Puntland, waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya.
Waxa ay Wasiirka si adag u cambaareysay in deeq la sheegay in loogu tala galay dad danyar ah oo ku sugan deegaannada Puntland in ay ku wareejiso una soo marsiiso shaqsi ay sheegtay in uu joogo magaalada Muqdisho , si uu deeqdaasi usoo gaarsiiyo Puntland.
Wasiir Ubax ayaa ayaa caddaysay in aysan degaannada Puntland soo geli karin deeq aan la soo marin maamulka , waxaana ay cambaareysay tallaabada dowladda Federaalku deeqdaasi ugu wareejisay qof siyaasi ah oo ku sugan Muqdisho.
“Puntland waxay si cad u sheegaysa wax gargaar ah, oo aan la soo marin Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland, kama soo degi karaan Badaha, Xuduudaha iyo Hawada Puntland midna, waxaan aqbali karno maahan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA aad ayaan ugu cambaareynayaa Tallabaadaasi” ayay tiri Wasiir Ubax Cabdirashiid.
Maamulka Puntland, ayaa kol hore xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana joogsaday wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac oo khilaaf xal loo waayay ku kala tagay, lamana oga hadda deeqdan raashinka ah ee ku deeqday DFS sida ay ku gaari karaan deegaannada Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com