Sida ay ku warramayso shabakadda Turkiga ee TRT ;Waxaa jira dadaallo ay si wadajir ah u wadaan Masar, Qatar iyo ururka Xamaas oo ay ku doonayaan in la sii daayo Marwan Barghouti, oo muddo dheer u xiran Israa’iil, waxaana loo arkaa qofka ugu muhiim aha ee hadda ku jira xabsiyada Israa’iil. Barghouti ayaa ka mid ah liiska in ka badan boqol maxbuus oo sare oo falastiiniyiin ah oo laga hadlayo sidii loo sii deyn lahaa ka hor wejiga labaad ee heshiiska.
Waxaa lagu sheega shaqsi ay Falastiiniyiinta dhammaantood taageerraan iyo xubin hormuud ka ah dhaqdhaqaaqa Fatah, waxa ay Israa’iil xidhay 2002 intii lagu jiray Intifada labaad ama kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta, markaa oo lagu xukumay xabsi daa’in.
Hoggaamiyayaashii dhintay ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh iyo Yaxye Sinwar ayaa marar kale duwan soo bandhigay qorshe la xiriira Marwan Barghouti oo ay u gudbiyeen Qatar, Masar iyo Turkiga inuu Barghouti yahay xalka Falastiiniyiinta iyo hoggaamiye dhinacyada oo dhan awoodda inuu hoggaamiyo, sabab la xiriirta inuu yahay qof ay kalsooni badan ku qabaan dhammaan dhinacyada Falastiiniyiinta, markaa oo Haniya iyo Sinwar ay labaduba sheegay inuu hoggaamin karo qorshe dawladda Falastiin.
Waqtigan ayaa mar kasta oo kale, siinaya Barghouti muhiimad gaar ah, sababtoo ah waxay Xamaas doonaya inuu Barghouti hoggaamiyo Falastiin wadajir ah oo hal maamul loo dhisayo Qasa iyo Daanta Galbeed, taa oo meesha ka saaraysa haddii Marwan Barghouti la sii daayo, hadallada aad mar walba maqashaan ee ka imaanaya Israa’iil iyo Marekanka oo ay ku sheegaan inay ka hortagi doonaan Xamaas inay sii maamusho Qasa..!
W/T Iman Jamac