Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo qoraal cabasho ah u gudbisay Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho iyadoo u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarkii maanta uu Nairobi ku tagay hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe

Diyaarad gaar ah ayaa magaalada Kismaayo ka qaaday Axmed Madoobe taasoo ka dejisay magaalada Nairobi xili DF ay xanibaad ku soo rogtay hogaamiyaha Jubbaland

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegaya in Warqad loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo taasoo ku saabsan wax DF ugu yeertay Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadarka isla markaana qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay

Kenya ayaa xiriir wanaagsan la leh dowlada Somalia iyo hogaamiyaha Axmed Madoobe oo khilaaf siyaasadeed uu ka dhexeeyo, mana cadda jawaabta ay kenya ka bixin doonta cabashada loo gudbiyey.

Related posts

Kulan Xasaasi ah oo caawa la yeeshay Ammaanka magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Finalkii ugu xiisaha badnaa oo Lasoo gabagabeyay & Rooble oo Ka farxiyay kooxdii guuleysatay

admin

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado

admin
Taboola Ads ---