Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhimasho geystay oo caawa ka dhacay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa caawa ka dhacay Dagaal muddo kooban socday oo ka bilowday xaafadaha Garsoor & Wadajir ee Koonfurta magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhexmaray ciidamo ka tirsan Galmudug oo maleeshiyo weerar soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal Beeleedkii ka socday Galbeedka magaalada uu gudaha usoo galay Gaalkacyo.

Hal qof ayaa rasaastaas ku dhintay, xaaladda ayaa sidii hore ka dagan inkastoo cabsi iyo xiisad dagaal ay jirto.

Gaalkacyo ayaa waayadan ku jirtay magaalooyinka ugu nabdoon dhulka Somalida waxayna dhacdada caawa ku soo aadeysaa xili siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Galmudug iyo Puntland ay wadaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan galbeedka Gaalkacyo

Related posts

Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun ay baahi weyn u qabeen shacabka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Biixi: ”Midnimada Soomaali waa muqadas & Xabada waan kugu garaacayaa isma qabato”

Caydiid Ali

Ciidamada Jubbaland oo duqeeyay diyaarado ka degayay Raaskanbooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---