Allbanaadir.com
NEWS

Saacada ay bilaabanayso Xabad joojinta Gaza oo la shaaciyey

Xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaa bilaaban doonta subaxnimada berri oo Axad ah saacaddu marka 06:30 GMT oo u dhiganta 8:30 am xiliga geeska afrika, sida ay Sabtida maanta ah sheegtay dowladda Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha, waxaana warkan uu yimid ka dib markii golaha wasiirrada Israel ay u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska iyo sii deynta la haystayaasha iyo maxaabiista.

Qatar, Masar iyo Mareykanka oo ah dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku dhawaaqay heshiiska Arbacadii.

Duqeymaha Israa’iil ee Gaza ayaa socday tan iyo xilligaas. Sabtida maanta ah, guddiga difaaca madaniga ah Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan shan xubnood oo isku qoys ah ay dhinteen ka dib markii weerar lagu qaaday teendhadii ay ku noolaayeen ee Khan Yunis oo ku taalla koonfurta Gaza.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Quddus subaxnimadii Sabtida maanta ah ka dib markii ay dhawaaqeen seeriga digniinta ah, waxayna ciidamadu sheegeen in ay hawada ku qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen, halkaasi oo kooxda Xuutiyiintu ay sheegeen in weeraradooda ay ku garab istaagaayaan Falastiiniyiinta.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamas ay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, taasoo sababtay dhimashada 1,210 qof, oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirakoob ay AFP ka samaysay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale weerarkaas ku qafaashay 251 qof, kuwaasoo 94 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, ayadoo 34 ka mid ah ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay dhinteen.

Olole aargoosi ah oo Israa’iil ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 46,707 qof, oo u badan rayid, sida ay sheegeen tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

Related posts

Masuuliyiinta cusub ee loo doortay Maamulka SSC oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Asteeyay Maalinta la Dagaalanka Musuq maasuqa Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe iyo Wasiiradiisa oo ka shiray Qabsashada Xagar iyo Arrimo kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---