Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Cali Cumar Tawakal iyo dad kale oo lagu dilay degmada Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay dilal kala duwan ka geystay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Nabadoon Cali Cumar Tawakal oo ka mid ah waxgaradka sida weyn looga yaqaano degmadaas ayaa ka mid ah labo qof oo degmadaas lagu toogtay.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka la dilay uu aabe u ahaa weriye ka mid ah kuwa ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qofka labaad ee degmada Afgooye lagu dilay ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada nabad sugida dowlada Somalia ka dib markii rag bastoolado ku hubeysan ay weerar ku soo qaadeen.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa saaka howlgalo xooggan ka wada qeybo ka mid ah xaafadaha degmadaas oo la tilmaamay iney u baxsadeen kooxihii geystay dilalkan.

Degmada Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka askarta iyo nabadoonada beelaha Soomaaliyeed, mana jirto illaa hadda cid wax ka qabatay falalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay labo nin oo xalay dilal geestay

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni oo xariga ka jaray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Garoowe

Caydiid Ali

Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---