Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo tagay taliska ciidanka kana farxiyay askarta (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamadda, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo miiska saraakiisha.

Ugu horrayn, Madaxweynaha waxa uu salaam ka qaatay cutub katirsan ciidanka , waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka , sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ka hawlgasha taliska guud ee ciidanka, waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo taliska lagu soo kordhiyey.

Taliyaha Ciidanka , sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayey soo dhaweeyey, waxana uu caddeeyey inay ka talis ahaan farxad weyn u tahay inuu madaxweynuhu soo booqdo, kormeerna ku sameeyo xarunta taliska guud ee Ciidanka.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka  ugaga mahadnaqay geesinimada, naf-hurnimada iyo daacadnimada iyo Qarankooda ugu adeegayaan.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo saraakiisha u sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta iyo sida uu muhiimadda gaar ahaaneed u siinayo ciidanka, “Waxa aan maanta go’aansaday inaan idin dhex imaaddo si aan ugu kuurgalo xaaladdiina, dhegaysto xogta iyo warbiximaha aad jeceshihiin inaad ila wadaagtaan, islamarkaana aan indho indheeyo oo kormeero halka ay tahay inaan ka bilaabo dib u habaynta iyo dib u dhiska aan la doonayo Ciidanka Qaranka, dal kasta oo dunida kamid ah haybaddiisa, sharaftiisa iyo quruxdiisu waa ciidankiisa ,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu u bushaareeyey Ciidamada  inuu ka dhabaynayo ballanqaadkiisii dhinaca mushahar-kordhinta ciidanka iyo dib u habayntoodaba, culays kasta oo jirana uu fulinayo ballantiisii, waxana uu yidhi,“Inkasta oo dhaqaalaha Somaliland uu hoos dhac ku yimi sannadihii 2022, 2023 iyo 2024-ka sababo aynu wada ognahay awgood oo ay kamid yihiin in dalku galay dagaallo, doorashooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhaawac weyni soo gaadhay sida gubashadii WAAHEEN iyo WAJAALE, haddana waxa aan fulin doonaa mushahar-kordhintii ciidanka ee aan ballan qaaday ee ahayd Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton muddo-xileedkayga, waxana aan kusoo saari doonaa Degreeto Madaxweyne sida ay u kordhi doonto.”

Kormeerka Madaxweynuhu ku tegay taliska guud ee Ciidanka waxa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, La-taliyaha Amniga iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.


Related posts

Weeraro lala beegsaday goob hubka lagu keydiyo oo ku taalla Sacuudiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo tuug & khaa’in ku sifeeyay qofkii..”

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo Cabsi lasoo daristay Soomaalida kunool dalkaasi

admin
Taboola Ads ---