Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in 20-ka bishan si rasmi ah xilka ula wareego, waxaana maamulka cusub la filayaa marka talada la wareegaan in ay bilaabana fullinta ballanqaadyadii uu horrey u sameeyay Madxaweynaha.
Donald Trump, ayaa horey ugu hanjabay in uu musaafurin doono muhaajiriinta sida sharcidarada ah ku galay dalka Mareykanka, kuwaa oo hadda meelo badan oo katirsan dalka Mareykanka si sharcidarro ah ku jooga ugana shaqeysta.
Qaar kamid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Mareykanka , ayaa baahiyay in magaalooyinka Chicago iyo New York ay noqon doonaan goobaha u horreeya ee toddobaadka koowaad ee maamulka Trump laga billaabi doono howlgal ballaaran ee masaafurinta soogalootiga aan heysan sharciyada.
Magaalooyinkan ay joogaan soo galooti aad u badan , ayaa la sheegay in laga howlgali doono boqolaal askari oo ka tirsan haya’dda socdaalka iyo dhaqangalinta canshuuraha Maraykanka ee ICE, kuwaa oo si gaar ah u beegsan doona dadka soo galootiga aan sharciga heysan.
Siyaasadda Madaxweyne Trump ee musaafurinta , ayaa cambaareyn xooggan loo jeediyay, waxaana dadka diidan siyaasadan kamid ah duqa magaalada Chicago oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga, Brandon Johnson, kaa oo si cad u sheegay in uu kasoo horjeedo qorshaha musaafurinta ee maamulka Trump wado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com