Allbanaadir.com
NEWS

Putin iyo Masoud Pezeshkian oo kala saxiixday heshiis istiraatijiyadeed oo xasaasi ah

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo dhiggiisa Iran, Masoud Pezeshkian ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhamaystiran oo daboolaya dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga milatariga ilaa sayniska, dhaqanka iyo waxbarashada.

Heshiiska oo la sheegay in lagu jiray wada-xaajoodkiisa tan iyo 2001 ayaa jiri doona muddo 20 sanno ah , sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, lama soo bandhigin faahfaahin badan oo heshiiska ku saabsan, iyadoo aan la caddeyn inuu heshiiska bixinayo dammaanad qaad amni oo labada dal ay wadajir uga jawaabayaan nooc kasta o gardarro dibadda uga timaada.

Telefishinka Ruushka ee RT , wuxuu soo bandhigay labada dal inay ku heshiiyeen inuusan midkood wax gargaar militari ah siin karin ciddii ama dalkii soo weerarra iyo iskaashi difaac oo ay ku jirto dhoolatus ay wadajir u sameyn doonaan labada dal. Tan oo ka duwan heshiiskii Ruushka uu dhawaan la galay Kuuriyada Waqooyi.

Dowladaha Ruushka iyo Iran , ayaa cunaqabateyno iyo cadaadis xooggan kala kulmaya waddamada reer Galbeedka, waxa uuna heshiiska labadan dal imaanayaa xilli horey Iran loogu eedeeyay in diyaarado iyo hub kale ku taageertay ciidamada Ruushka ee duullaankla ku qaaday Ukraine.

Russian President Vladimir Putin, right, and Iranian President Masoud Pezeshkian attend a signing ceremony at the Kremlin in Moscow, Russia, Friday, Jan. 17, 2025. (Evgenia Novozhenina/Pool Photo via AP)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xubno caan ah oo…

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo War cusub kasoo saaray shirka ka socda Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---