Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga falceliyay hadalkii kasoo yeeray xalay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku aadanaa in dowladda rabto in hub ka dhigis gaar ah ku sameyso siyaasiyiinta mucaaradka.
Axmed Fiqi, ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu wax badan iska beddelay ayna shacabka dareemayaan niicaw nabadgelyo, waxa uuna xusay in sababta nabadda loo helay tahay in Al Shabaab lala dagaallamay , sidoo kale la xakaeemayay hunbkii dharacidarada ahaa.
Waxa uu sheegay Wadiir Axmed Fiqi in siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ay ku hadlayaan afkii hoggaamiye kooxeedyada l, waxa uuna tilmaamay in ay rabaan in hubka sharcidarada ah lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.
”Layaab weyn ayay nooqnaysaa haddii siyaasiyiintii qaarkood ay afkii hogaamiye kooxeedyada oo kale ku hadlaan ayagoo sii raba in hubka sharcidarrada ah ee umadda lagu dhibaateeyo inuu sidiisii sii ahaado, qiilna u raadinaya arrintaas” ayuu yiri Axmed Fiqi.
Waxa uu intasai ku daray Wasiiq Fiqi ”Doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharcidarrada ahaabaa! Tani mid soconaysa ma ahan oo dawladda iyo dadkuba ay yeelayaan.! Waa Laga nastey hubkii, dadku horumar iyo dawladnimo ayay rabaan.
Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda mid uu ugu jawaabayay hadalkii xalay kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo si adag uga hadlay qorshaha dowladda rabto in mucaaradka hubka uga dhigto iyo sidoo kale in aysan dhici karin xilligan doorasho qof iyo cod ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com