Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed , oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si adag uga hadlay qorshaha dowladda ku dooneyso in hubka uga dhigto siyaasiyiinta mucaaradka iyo qabsoomida doorasho qof iyo cod.
Sheekh Shariif , ayaa sheegay in madaxda Qaranka uu ugu horreeyo Madaxweynaha iyo kuwa kale ee ka hooseeya magaalada Muqdisho ku dhax wataan hub culus sida dhashiikayaal, iyada oo wali ay waardiyo ka hayaan ciidamada ATMIS.
Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in qorshaha dowladda ee hub ka dhigista ay tahay mid si gaar ah loogu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka, waxa uuna ku baaqay in hub ka dhigis ay ka horreyso in marka hore laga heshiiyo siyaasadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in iyagu aysan diidaneyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, balse waxa uu tilmaamay in ay doonayaan in la qabto doorasho la isla ogol yahay raalina laga wada yahay muxaafid iyo mucaarad.
Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in dowladda hadda jirta aysan u diyaarsaneyn in ay qabato doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna tilmaamay in shacabka Muqdisho oo lagu qiyaaso 3-milyan oo qof aysan hadda diwaangashaneyn, sidoo kale aysan ku jirin qorshaha in la diiwaangeliyo.
“Hadii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif ,ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan xilligan suurto gal aheyn in la qabto doorasho qof iyo cod ah iyada oo ay maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxa uuna caddeeyay haddii doorasho la aadayo la doono oo lala hadlo maamulada maqan.
Hadalkan caawa kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh wado qorshe hubka looga dhigayo siyaasiyiinta mucaaradka, si aysan uga hor imaan qorshaha dowladda ee muddo kororsiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com