Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo tagay buurihii laga saaray Daacish (Sawirro)

Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta booqasho ku tagay qaar kamid ah fariisimihii ay buuraha gobolka Bari ku lahaayeen kooxda jihaad doonka ah ee Daacish, kuwaa oo dagaal adag looga saaray .

Saraakiisha ciidanka Difaaca Puntland hoggaamineysa ,ayaa wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee maanta u tagay kusoo dhaweeyay halkaasi, waxa ayna saraakiisha warbixin ka siiyeen dagaalka socda iyo guulaha ilaa hadda ciidamada Puntland gaareen.

Wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee booqday fariisimihii dagaalka looga waaray kooxad Daacish, ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada Puntland gaareen, waxa ayna xuseen in ciidamada garab taagan yihiin kana shaqeenayaan sidii kooxaha argagaxisada ah looga saari lahaa dhulka buuraleyda.

Ciidamada maamulka Puntland , ayaa guulo ka gaaray howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada la wareegeen fariisimo iyo goobo badan ay kooxda Daacish kaga sugnaayeen qeybo kamid ah buuraha gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Kooxda K/Cagta Elman oo markii ugu horeysay taariikhda u laabatay (Serie B)

Caydiid Ali

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay odayaasha dhaqanka K/Galbeed

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Qadaafi oo xaalad halis ah ku sugan kaddib markii go’aan adag qaatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---