Allbanaadir.com
NEWS

Imran Khan oo xukun adag oo xabsi ah lagu riday kaddib dambiyo lagu helay

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Jimcaha maanta ah ku heshay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi kiis musuq-maasuq oo taariikhi ah, waxayna Khan ku xukuntay 14 sano oo xarig ah.

Khan ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo bishii Agoosto 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa ku andacoonaya in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada.

“Ma samayn doono wax heshiis ah mana raadin doono wax gargaar ah,” Khan ayaa u sheegay suxufiyiinta isaga oo ku sugan gudaha qolka maxkamadda ka dib markii lagu xukumay.

Maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, waxaana ay ku xukuntay lamaanahan dambiyo lagu soo oogay oo xiriir la leh hay’ad samafal oo ay si wadajir ah u aas-aaseen oo lagu magacaabo Al-Qadir Trust.

“Xeer ilaalinta ayaa cadeysay kiiskeeda, Khan waa la xukumay,” ayuu yiri garsoore Nasir Javed Rana, isagoo ku dhawaaqay 14 sano oo xariga Khan ah iyo toddobo sano oo Bushra Bibi ah.

Bushra Bibi, oo dhawaan dammaanad lagu sii daayay, ayaa lagu xiray maxkamadda xukunka kadib, sida ay sheegtay afhayeenkeeda Mashal Yousafzai.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa sheegay inay ka doodi doonaan xukunka.

Xukunkan ayaa imanaya maalin kadib kulan naadir ah oo dhex maray madaxda PTI iyo dowladda kaas oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed.

Khan ayaa ku adkeysanaya in dhammaan kiisaska ka dhanka ah ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo loogu talo-galay in looga ilaaliyo inuu ku soo laabto xukunka.

Afar jeer ayaa horay loo xukumay tan iyo markii la xiray, labo ka mid ah waa la laalay, halka xukunkii labada kiis ee kale la hakiyey.

Laakin waxa uu xabsiga ugu sii jiray dacwadda Al-Qadir Trust oo ah kii ugu dheeraa ee isaga lagu soo oogo iyo eedeymo kale oo la xiriira kicin dadweyne.

Go’aanka maxkamadda ayaa saddex jeer dib loo dhigay, iyadoo falanqeeyayaasha ay sheegeen in uu si hoose u socday wada-xaajood.

Horaantii bishan, Khan ayaa ku sheegay hadal ay kooxdiisu soo dhigtay baraha bulshada in si dadban loo gala soo xiriiray suurta-galnimada in xabsi guri lagu guliyo gurigiisa oo ku yaalla duleedka caasimadda.

Hase yeeshee 72-jirkan ayaa weli dhiifanaan muujinayey, isaga oo baahiyey hadallo ka dhan ah dowladda, wuxuuna ballan qaaday in uu dagaalladiisa ka wadi doono maxkamadaha.

Caannimada Khan ayaa sii wadday inay wiiqdo dawladda wadaaga ah ee jilicsan, taasoo PTI ka ilaalisay awoodda, doorashooyinkii sannadkii hore.

Tan iyo markii laga tuuray xukunka 2022, xiddigii hore ee cricket-ka ayaa billaabay olole aan horay loo arag oo uu si cad ugu dhaleeceeyay Jeneraalada awoodda badan ee dalkaasi.

Guddi khubaro ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore ogaaday in xariga Khan “uusan lahayn wax sharci ah, uuna u muuqda mid la doonayey in looga saaro inuu u tartamo jago siyaasadeed”.

Khan ayaa laga mamnuucay inuu istaago doorashadii bishii Febraayo, waxaana xisbigiisa PTI dhaawac u geystay olole baahsan oo dowladda ay ku beegsatay.

PTI ayaa ku guulaysatay kuraas ka badan xisbiyada kale doorashada, laakiin isbahaysiga xisbiyada oo loo arko in ay u nugul yihiin saameynta milatariga ayaa ka hor-istaagay xukunka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad caawa ka taagan Magaalada Boosaaso iyo dagaal mar kale laga cabsi qabo

Caydiid Ali

Theresa May oo ka badbaaday Mooshin kalsooni kala noqosho ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---