Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo shuruud ku xiray joojinta Weerarada Israel & Badda cas

Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay iney joojin doonaan weerarrada ay ku hayaan Israa’iil iyo maraakiibta badda cas ilaa inta la ilaalinayo heshiiska xabbad joojinta ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Xuutiyiinta ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaaday maraakiibta xamuulka qaada ee marayey badda cas, waxayna gantaalo iyo dayuurado aan duuliye lahayn ku garaaceen magaalooyinka Israa’iil 15-kii bilood ee la soo dhaafay, iyagoo sheegay inay talaabadaas ku taageerayaan falastiiniyiinta Gaza.

“Waan sii wadi doonaa inaan daba galno marxaladaha dhaqangelinta heshiiska, iyo dib u gurasho kasta oo Israel ama xasuuq ama go’doomin, waxaan si degdeg ah diyaar ugu noqon doonaa inaan taageero militari siino shacabka Falastiin,” ayuu yiri hogaamiyaha Xuutiyiinta Abdul Malik al-xuuti.

Weerarrada maraakiibta xamuulka ah ee Xuutiyiinta ayaa horseeday dhibaato daba dheeraatay oo ka taagan marinka mashquulka badan ee badda cas, iyada oo maraakiibta qaar lagu qasbay in ay ka fogaadaan marinka Suez Canal.

Israa’iil, ayaa duqeymo ka geysatay Yemen, waxayna ku hanjabtay inay dili doonto hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, si ay uga aargoosato.

Related posts

Duqeymo culus oo caawa lagu garaacay xarumo Al Shabaab joogeen

Cabdi Cade

Ma’suul ka tirsanaa Heyad Samafal oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Senataro Mareykan ah oo ka dhuumanaya Gantaalaha Xamaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---