Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo labo jibaartay xasuuqa Gaza, ka hor xabad joojinta Axadda

Ugu yaraan 100 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 21 carruur ah iyo 25 haween ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo bilaabmaya Axadda soo socota.

Qiyaastii 15 carruur ah ayaa maalin kasta lagu waramay  in Gaza ay  ku soo gaaraan dhaawacyo dagaal oo halis galin kara noloshooda, gaar ahaan dhinaca naafanimada” sidaasi waxaa yiri Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin UNRWA

Golaha Wasiirrada Israa’iil ayaa la filayaa inay maanta isugu yimaadaan kulan lagu ansixinayo  heshiiska xabbad joojinta ee Qaza, sida ay wararku sheegayaan.

Laba ka mid ah wasiirrada xukuumadda midigta fog ee xagjirka ah ayaa ku hanjabaya inay iska casilayaan xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu haddii heshiiska xabbad joojinta Gaza la ansixiyo taasoo ka dhigan iney burbureyso Xukuumada Netanyahu oo ku dhisneyd isbaheysi siyaasadeed waxayna arrintaasi kalifi doontaa in la aado doorashooyin xiligooda ka soo hormara.

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida Abiy ahmed loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo booqday degmo cusub oo ay ansixisay Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil Soomaali ah oo sabab yaab leh dalka Jarmalka ugu dilay nin ajnabi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---