Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo galaya safar khasaare dhaqaale ku ah Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya shirka 55-aad ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka oo ka furmaya magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Shirka waxaa ka qayb galaya madax iyo wufuud caalami ah.

Ururka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) Shirkooda sannadlaha ah wuxuu socon doonaa inta u dhexeysa 20 ilaa January 24, 2025.

Waxyaabo badan oo dhaqaalaha quseeya ayaa looga hadlayaa iyadoo Ajandaha Shirka sannadkan uu yahay Teknoolajiyada & Tamarta.

Madaxweyne Xassan shiikh ayaa lagu dhaliilayaa ka qeyb galka shirkaas maadaama Wufuuda Shirka ka qeyb-galeysa 80% ay yihiin Wasiiro iyo Agaasimeyaal qaabilsan Dhaqaalaha & Arimaha Dibada.

Dalalka China & Japan oo teknoolaji iyo tamar saameyn weyn ku leh  ayaa shirka u soo dirsanaya Agaasimeyaal, iyadoo Somalia oo Dhaqaalaha, Tamarta & Teknoolajiyada aan waxba ka goynina ay uga qeyb galayso heer Madaxweyne.

Inta uu Shirka socdo Madaxweynaha Somalia waxaa loo carbuunnay oo uu deganaan doonaa Hotel lagu magacaabo: President’s Wilson Hotel Suite oo habeenkii lagu seexdo 81 Kun oo Dollar iyadoo afarta cisho ee uu halkaas joogo ay ja baxeyso $-350 Kun oo Dollar.

Wafdiga Madaxweynaha la socda oo 21 xubnood ka kooban Waxaa loo sii booking gareeyay Hotel 5 star ah iyo Labaatameeyo gawaarida raaxada ee loo yaqaan Marcedez-Benz iyo MayBach.

Dad madaxweynaha ku heyb ah oo Europe ku kala nool ayaa qarash loo diray si ay uga soo qeyb-galaan Xaflado sawiro lagula galayo Madaxweynaha. Qarashka Munaasabada waxaa intaas dheer Sheetaraha iyo Duulimaadka 27 qof (Go and Back) oo gaaraya boqollaal kun oo Dollar

Waxaa xusid mudan in Qarashka Wufuuda ka qeyb galaya shirka uusan bixineyn Ururka Dhaqaalada Adduunka iyo Dowlada Switzerland oo shirka marti-galineysa ee madaxda qarashkooda iyagaa la baxaya waxaana la qiyaasayaa in Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ay 4 maalmood kaliya safarkaas kaga bixi doonto lacag ku dhow 5 milyan oo Dollar.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo mar kale safar ku tagaya magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Tigreyga Itoobiya oo amar adag siiyay xubnaha ugu jira Dowlada Federaalka Itoobiya

Cabdi Cade

Dekad weyn oo kutaalla Soomaaliya oo dib looghu dhisayo lacag dhan $366 milyan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---