Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka SSC-Khaatumo oo bayaan xasaasi ah soo saaray

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa shir guddoomiyey kulankii golaha wasiirrada ee Khamiislaha ahaa. Shirkan ayaa lagaga hadlay hawlaha muhiimka ah ee golaha horyaalla, iyadoo guddi-hoosaadyada goluhu ay soo bandhigeen warbixinno muhiim ah oo la xiriira shaqooyinkooda.

Sidoo kale, golaha ayaa dood ka yeeshay “Xeerka Nidaamka Garsoorka Maamulka SSC-Khaatumo” oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, iyo Arrimaha Diinta.

Xeerkan ayaa muhiim u ah dhismaha hay’adda garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda Sare ee maamulka, oo noqon doonta tiir-dhexaadka cadaaladda iyo dawladnimada.

Ugu dambayntii, golaha wasiirradu waxay ansixiyeen xeerkan, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dawlad-dhisidda iyo nidaamka sharci ee maamulka SSC-Khaatumo. Xeerkan ayaa si dhakhso leh loogu gudbin doonaa golaha baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Dhimnaca kale Golaha wasiirrada Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu shirkoodii ka soo saaray bayaankan hoos ku xusan.

Related posts

Muxuu yahay heshiiska cusub ee dowlada Soomaaliya dhowaan la galayso Kenya?

Caydiid Ali

Dood wali ka taagan Shirkii Muqdisho & laba arrin oo fashilin karta Shirka kadib Maxaa dhacaya !!

admin

Sawirro: Mareykanka qorshe Cajiib ah u degay Taalibaan ugana tagay Diyaarado iyo Baabuur aan…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---