Allbanaadir.com
DIINTAMUQDISHO

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo kulamo kula leh Magaalada Kambala madaxda Ugandha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Turkiga iyagoo gaaray dalka Uganda.

Farmaajo ayaa maanta kulan la yeelanaya Madaxweynaha Uganda Yuweri Musseveni oo uu kula kulmi doono Magaalada Kampala ee xarunta u ah dalkaasi waxaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labbada dal.

Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya waxaana labbada madaxweyne ay sidoo kale diirada saari doonaan sidii Uganda ay Soomaaliya garab buuxa ugu siin laheyd la dagaalanka Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashooyin ku kala tagay dalalka Taliyaaniga iyo Turkiga iyadoo booqashadiisa la filayo inuu kusoo gabagabeeyo dalka Kenya ka hor inta aysan dalka dib ugu soo laabanin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali

DF oo lagu eedeeyey iney dayacday ardayda ku go’doonsan Magaalada Wuhan

Caydiid Ali

Dab xoogan oo goordhaw ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---