Allbanaadir.com
NEWS

Dabka ka ololaya Los Angeles oo todobaadkii labaad galay (Sawirro)

Todobaadkii labaad ayuu galay dab xoog leh oo ka holcaya meelo ka mid ah magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Kooxaha dab-damiska ayaa Arbacadi shalay la tacaalay in ay damiyaan laba dab oo ka kala socda laba jiho, xilli ay xaaladda uga sii dareyayeen dabeylo xoog leh oo sii hurinayay holoca.

Saraakiisha gobolka ayaa ku boorriyay dadka deegaanka in ay si weyn u feejignaadaan, isuna diyaaraan in ay ka baxaan guryahooda ilaa Khamiista maanta ah oo la filayo in dabeylaha xooggan ay sii socdaan.

Ciidamada booliska gobolka iyo kuwa degmooyinka ayaa iyaguna dhankooda ka wada howlgallo ay ku xirayaan kooxo lagu eedeeyay in ay bili-liqo u geysteen guryaha iyo goobaha gacansi ee ay dadku ka carareen.

Tan iyo todobaadki hore, boolisku waxay sheegeen in ay xireen ku dhawaad 10 qof oo lagu eedeeyay xattooyo.

Dad gaaraya 6.5 milyan oo qof ayaa wajahaya xaalad khatar ah oo la xiriirta dabkaan. Ila aiyo hadda ilaha caafimaadka iyo kuwa maamulka waxay xaqiijiyeen dhimashada 25 qof guud ahaan meelaha uu dabka baabi’iyay ee magaalada Los Angeles.

Related posts

Wasiirka Amniga oo ka degay Garbahaarey si weyna loo soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xil culus u Magacaabay nin la dhashay Xaaskiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo ka shaqeesay in Heshiis Xabad Joojin ah gaaraan Falastiin iyo Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---