Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-036 /012025 uu ku magacaabay Agaasimeyaal Guud oo Cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u     leeyihiin u adeegidda dadweynaha Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: Inay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey:Â La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:
- Muniir Axmed Cigaal Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.
- Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen Kaahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Somaliland.
- Cabdirisaaq Axmed Gaas Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland
- Cabdalla Maxamed Yuusuf Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland.
- Dr Axmed Maxamuud Jaamac (Zaki) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland.
- Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Somaliland
- Axmed Cismaan Jaamac Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland.
- Siciid Muuse Xoosh Coofle (Rooble) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland.
- Aadan Jaamac Ducaale Barre Agaasimaha Guud ee Komishinka Tacliinta Sare Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-035 /012025 ku magacaabay Masuuliyiinta Baanka Dhexe.
Waxay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Xeerka Baanka Dhexe ee Xeer Lr 54/2012;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay Horumarka iyo koboca dhaqaalaha ee dalka;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta;
- In Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.
- In Xamse Cabdiraxmaan Kheyre Coofle uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland.
- In Yaasiin Jaamac Axmed Shide (Calase) uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland