Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso .

Kulankan ayaa  looga hadlay Amniga Guud, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay deegaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Kulanka waxa kale oo looga hadlay xaaladda Waddooyinka Boosaaso, iyadoo ay Dowladda hoose ee Boosaaso iyo Dowladda dhexe ee Puntland iska kaashanayaan dib-u-furida Wadooyinka Boosaaso si kor loogu qaado bilicda iyo Amniga magaalada.

Sidoo kale kulabka golaha Wasiirrada waxaa  kasoo baxay in la dardargeliyo shaqooyinka hore u socday ee dhismaha, dayactirka iyo dib-u-habeynta waddooyinka gobolada Puntland.

 

Related posts

Maandooriye & raggii ka ganacsanayey oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo ka tagaya Hogaanka Midowga Musharaxiinta iyo Farmaajo oo Sabab u ah !

Cabdi Cade

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasaasiga ahaa ee Madaxweynaha Somalia & dhigiisa Jabuuti? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---