Dowladda Soomaaliya ayaa ku taageertay dowladda Ukraine dagaalka ay kula jirto ciidamada Ruushka ee duulllaanka ku qaaday dalkaasi, waxa ayna Soomaaliya taageertay madaxbannaanida iyo qaranimada dowladda Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine , Andrii Sybiha ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya taageertay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Ukraine, waxa uuna Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada ay u muujisay xilligan ay u dagaallamayaan difaaca dalkooda.
Wadahadal dhinaca telfoonka oo dhax maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine Andrii Sybiha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayey uga wada hadleen arrimo badan oo muhiim ah, gaar ahaan xaalada xilligan ka taagan labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa sheegay inay garawsanyihiin baahida loo qabo in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ukraine , si loo ballaariyo iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Ukraine ka dhaxeeya.
Ciidamada Ruushka ayaa duullaan xooggan ku qaaday dalka Ukraine ay kala wareegeen gobollo dhowr ah, waxaana dalal badan oo Afrikan ah taageereen duullaanka dowladda Ruushka , halka kuwa kalana ka aamuseen, waxa ayna Soomaaliya hadda taageertay madaxbannaanida Ukraine iyo dafaaca qarankooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com