Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Sunta Libaaxa ku dishay seygeedii hore (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland , ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu eedeeyay in nin horey u qabi jiray una dhashay carruur badan ku dishay sunta libaaxa loogu tala galay, kaddib markii ay ugu dartay furlaato.

War kasoo baxay booliiska Jubbaland, ayaa lagu sheegay in xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo kasoo qabteen Sahra Xuseen Maxamed oo ku eedeysan dilka saygeedii hore Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abuukar .

Booliiska ayaa sheegay in haweeneydan in cabitaan ama furlaato ugu dartay sunta libaaxa nin horey u kala tageen, waxaana la sheegay in ninkan markii uu cabitaanka cabay isla goobta si deg deg ah ugu geeriyooday.

Haweeneydan dilka geesatay , ayaa la sheegay in booliiska u sheegtay in seygeedii hore u socday wadahadal ahaa in ay isku soo laabtaan, waxa ayna xustay in ay ka shakisay in isaga doonayay in uu sumeeyo ayna sidaasi iyada sun u siisay.

Falkan argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Kismaayo , ayaa dad badan si weyn uga naxeen una hadal hayaan, waxaana haweeneydan dishay ninkeedi hore la sheegay in ay u dhashay ilaa lix carruur ah oo ay hadda agoon ka dhigtay.

Related posts

Mareynkanka oo beegsaday labo Banki iyo xubno ka tirsan qoyska Madaxweyne Putin

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga DDS oo markii u horeysay la siiyey gaadiid dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble & Musharaxiinta oo kulankii 3aad yeelanaya (Maxaa looga hadlayaa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---