Allbanaadir.com
NEWS

Israa’il oo walxaha qarxa ku xirtay gaaska lagu kobciyo Uranium-ka Iran

Madaxweyne ku-xigeenka Iran, Maxamed Javad Zarif ayaa waraysi uu bixiyay markii u horreysay xaqiijiyay inay Israa’iil walxaha qarxa ku xirtay gaaska ‘centrifuge’ ee loogu talagalay in lagu kobciyo uranium-ka laga sameeyo nukliyeerka, kaasoo uu sheegay markii ay Iran soogadatay inay oggaatay walxaha qarxa ee lagu xiray.

Wuxuu daahqaaday cunaqabateynta Iran ay saareen reer galbeedka inay ku khasabtay inaysan si toos ah usoo iibsan karin gaaska lagu kobciyo uranium-ka iyo dhammaan agabka ay u baahanyihiin, taasina ay keenayso inay gacan saddeexad oo aan ahayn goobtii sida tooska ah agabka looga gadanayay inay wax ka iibsadaan, inta u dhaxeysa cidda agabka laga iibsanayo iyo Iran ayuu tilmaamay inay ka faa’iideysato Israa’iil oo markaa ay ku xirto walxaha qarxa.

Zarif, ma sheegin waqtiga ay oggaadeen walxaha qarxa ee lagu xiray gaaska lagu kobciyo uranium-ka, isagoo ficilka ku sheegay ‘iskuday lagu qarxin rabay barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Bartamihii sannadkii 2021-kii, madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Yossi Cohen ayaa waraysi muuqaal ah ku sheegay in Israa’iil ay ku qarxisay xarunta nukliyeerka Iran oo dhulka hoostiisa ah oo ku taal Natanz, qarax la sheegay inuu ka dhashay bam lagu rakibay qalab halkaas ku jiray, tan oo daahqaadaysa inay Israa’iil muddo dheer ku howlanayd iskudaygeeda burburinta barnaamijka nukliyeerka Iran oo aan la ogeyn howlgallada kale ee ay fulisay si ay u qarxiso ama waxyeello u gaarsiiso.

Israa’iil ayaa sidoo kale si lama filan ah dabayaaqadii sannadkii hore u qarxisay nidaamka isgaarsiinta ururka Xisbullah, kaddib markii Mossad ay ku diyaarisay walxaha qarxa nidaamka isgaarsiinta Xisbullah ka hor inta uusan ururka la soo wareegin.

Related posts

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Hirshabelle oo soo saaray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

(Daawo) Waare oo erayo kulul ku weeraray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---