Allbanaadir.com
NEWS

Maalinta ay dhaqan galayso xabad joojinta Gaza oo la shaaciyey

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Shiikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay heshiiska xabbad-joojinta Qasa oo ay wadajir u gaareen Xamaas iyo Israa’iil;

“Qatar, Masar, iyo Mareykanka ayaa ku faraxsan inay ku dhawaaqaan in heshiis laga gaaray Qasa,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in dhaqangelinta heshiiska ay billaabanayso maalinta Axadda ee 19 Jannaayo, wuxuuna caddeeyay inay sii socdaan wada-hadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee ku aaddan dhaqangelinta heshiiska.

Cadaadiska lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo dhex-dhexaadiyeyaasha Qatar, Masar iyo Maraykanku ay xoojiyeen dadaallada lagu xaqiijinayo heshiis.

Ilo-wareed xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa u sheegay AFP in “heshiis xabbad joojin ah oo Gaza ah iyo sii daynta la haystayaasha (la gaaray) kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani uu xafiiskiisa kulmay si kala gooni ah wada-xaajoodayaasha Xamaas iyo kuwa Israa’iil.”

Ku dhawaaqistan ayaa timid bilo kadib isku dayo fashilmay oo lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka ugu dhimashada badan taariikhda Gaza, iyo maalmo ka hor caleemo saarka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, kaasi oo isla markiiba soo dhaweeyay heshiiska ka hor inta uusan si rasmi ah uga dhawaaqin Aqalka Cad.

“Waxaan heshiis u haynaa la haystayaasha Bariga Dhexe. Si dhaqso ah ayaa loo sii dayn doonaa. Waad mahadsan tahay!” ayuu ku yiri bartiisa Truth Social.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamas ay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, taasoo sababtay dhimashada 1,210 qof, oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirakoob ay AFP ka samaysay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale weerarkaas ku qafaashay 251 qof, kuwaasoo 94 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, ayadoo 34 ka mid ah ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay dhinteen.

Olole aargoosi ah oo Israa’iil ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 46,707 qof, oo u badan rayid, sida ay sheegeen tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, kuwaasoo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee xilka ka deggaya , Antony Blinken wuxuu shalay qiray inan howlgal militari looga adkan karin Xamaas, isagoo markaa tusaale usoo qaatay waxa ay Israa’iil ka sameysay waqooyiga Qasa ee xasuuq iyo burburin isugu jirtay, balse natiijada waxay noqotay kaliya toddobaadkan in 15 askari oo ay saraakiil sare ku jiraan looga dilay Israa’iil , isla goobta ay dhulka ku dartay ee bambooyinka balaayiinta dollar joogay ku riday, taa oo militari ahaan ka dhigan waxa kaliya ee awood ahaan u dhinaa Israa’iil waa adeegsiga nukliyer

Related posts

Xassan Shiikh oo shaaciyey in dib loo bilaabayo wadahadalkii DF iyo Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ku dhaawacmay qaraxii Garoowe

Caydiid Ali

Shirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo goordhaw Furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---