Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine , Andrii Sybiha ayaa maanta xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya taageertay madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Ukraine, kaddib wadahadal uu telefoonka kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Ukraine , waxay boggaadisay ka qeybgalka madaxweynaha Soomaaliya ee shirkii u horreyay ee nabadda Ukraine oo bartimihii sannadkii hore lagu qabtay dalka Switzerland
Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine ayaa sheegay inay garawsan yihiin baahida loo qabo in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ukraine , si loo ballaariyo iskaashiga labada dhinac wuxuuna u mahad celiyey dowlada Somalia mowqifka ay ka qaadatay madax banaanida dhuleed ee Ukraine.
Wada-hadalka ay Somalia ku taageertay Ukraine ayaa ku soo aaday xilli Soomaaliya ay fadhiisatay kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay , madashaasoo muhiimad u leh Ukraine , sabab la xiriirta taageerrada diblomaasiyadeed iyo inay sare u qaado cododka ka soo horjeeda Ruushka oo sheegta inuu qaatay qeybo ka mid ah dhullka Ukraine.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan  Ruushka uu gaaray Moscow kaasoo la filayo inuu warqadaha aqoonsiga u gudbiyo madaxweyne Punin maalmaha soo socda.
Soomaaliya waxaa miisaaniyadeeda iyo mashaariicda dalka oo ay ku jiraan kuwa adeegga bulshada ka taageerra xulafada Ukraine ee reer Yurub iyo Mareykanka sidaas awgeed wey ku qasban tahay iney taageerto Ukraine.