Dabaylo xowli ah ayaa mar kale la filayaa in ay waxyeelleeyaan magaalada uu dhawaan dabka halista ah ka kacay ee Los Angeles ee dalka Maraykanka xilli laga digay baqdinta ugu badan inay bilaabato Arbacada maanta ah
Tiro lagu qiyaasay ilaa 25 qof ayaa la sheegayaa in ay u geeriyoodaan dabka khatarta ah ee mudaddada toddobaadka ah socday.
Saadaasha ayaa mar kale aqoonsatay aag “khatarta dabka aad u daran”, iyaga oo xoogga saaraya heerka khatarta ah ee gobolka waqooyi-galbeed ee bartamaha magaalada.
Meelaha buuraleyda ah qaarkood, waxa suurtogal ah in dabayshu ay gaarto xawli dhan 70mph (113km/h), taas oo noqonaysa mid ku dhow duufaanta haddii ay sii socoto.
Kororka xawliga ah ee la filayo ayaa halis galinaya in ay sii fidaan afarta dab ee soo haray, kuwaasoo dab-damiyayaashu ay horumar dheeraad ah ka sameeyeen wax ka qabashada dhowr maalmood oo ay xaaladu degan tahay.
Meelaha waqooyi-galbeed ee Los Angeles oo ay ku jiraan Simi Valley iyo Thousand Oaks ayaa loo arkay inay khatar gaar ah leeyihiin.