Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa xusay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha argagaxisada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi , ayaa Midowga Afrika uga mahad celiyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com