Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaa oo la damcsanaa in shacab iyo ciidanba lagu dhibaateeyo.
Gaariga qaraxa laga so buuxiyay oo nuuciisu ahaa Brobox , ayaa lagu qabtay bar koontarool oo yaalla Afgooye, waxaana gaariga la sheegay in marka hore ninkii watay la weediiyay sharci iyo waxyaabo kale uuna ka degay gaariga isaga oo sheegay in uu keensanayo sharciga, balse uusan soo laaban.
Ciidamada ammaanka oo gaariga laga tagay ka shakiyay ayaa markii ay baareen waxa ay ku dhax arkeen waxyaabaha qarxa oo aad looga soo buuxiyay, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in qeybo kamid ah qaraxyadii saarnaa gaariga bannaanka usoo saaraan oo ay qarxiyaan.
Waxaa hadda gaariga waxyaabaha qarxa ka buuxeen gacanta ku haya oo kala fur furaya qaraxyada ciidamada miino baarista oo Muqdisgo laga diray, waxaana dadkii arkay gaariga sheegeen in qaraxyada laga soo buuxiyay ay ahaayeen kuwa tankooda aad u cuslaa.
Gaarigana waxyaabaha qarxa lagu soo raray ee ciidamada ammaanka qabteen , ayaan wali la ogeyn halka loo waday lana doonayay in lagu qarxiyo, waxa uuna fashilintan qaraxan kusoo aadayaa xilli ay aad u yaraadeen qaraxyadiui ka dhici jiray Muqdisho, kaddib markii ammaanka la adkeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com