Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Elon Musk uu iibsanayo barta Tiktok si aan looga xirin USA

Warbaahinta caalamka qaarkood , ayaa baahiyay warar sheegaya in bilyaneerka iska leh barta bulshada ee X, Elon Musk uu iibsanayo saami kamid ah barta bulshada dhaxdeeda caanka ka ah Tiktok, si aan looga xirin bartaasi dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka , ayaa go’aamisay in 19-ka bishan Janaayo laga xiro isticmaalka barta Tiktok gudaha dalka Mareykanka, haddii aysan shirkadaasi ogolaan in dad Mareykanka ah ka iibiso bartan balaayiinka qof ku xiran yihiin.

Warbaahinta Bloomberg ay ku warrantan mas’uuliyiinta Shiinaha inay billaabeen wada-hadal ay Elon Musk uga iibinayaan Tiktok, taa oo ay shirkadda uga hortagi karto in laga mamnuuco Mareykanka , maaddama shuruud looga dhigay si ay uga shaqeeyaan gudaha Mareykanka in shirkad Mareykan ah lagu wareejiyo TikTok.

Qoraal kasoo baxay shirkadda iska leh Tiktok, ayey ku beeniyeen in ay ka iibinayana bartan bilyineerka Elon Musk, waxa ayna warkaasi ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin oo warbaahinta Mareykanka qaarkood dadka ku jahwareerinayaan.

Dad badan oo ku nool gudaha dalka Mareykanka ayaa ka walaacsan mamnuucista barta Tiktok, lamana oga in dowladda Mareykanka ka dhabeyn doonto mamnuucista bartan oo gudaha Mareykanka ka isticmaalaan malaayiin qof.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo Mushahar la’aan ka cabanaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Axmed Madoobe oo u Mahad Celiyay Guddiga Doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Hogaamiyaal Caan ah oo la jabsaday Telfoonadooda iyo Barnaamijka-ka loo adeegsaday oo La ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---