Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekjh Axmed iyo siyaasiyiin kale oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uusan u socon qabashaa doorasho qof iyo cod , balse rabo muddo korrsi ayna kasoo horjeedaan tallaabadaasi.
Hadalka Sheekh Shariif iyo labo xildhibaan oo kale , waxaa si adag uga falceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, waxa uuna sheega wasiirka in Baarlamaanka ay katirsan yihiin saddexa mudane in horey u ansixiyeen doorasho qof iyo cod ah.
”Barlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.!” ayuu yiri Fiqi.
Wasiir Axmed Fiqi , ayaa sheegay in Madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur sannado kahor ku eedeyn jieen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu diidan yahay qabashada doorasho, haddana ay Xasan Sheekh ku diidan yihiin in doorasho uu qabanayo.
”Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon)” ayuu mar kale yiri Wasiir Axmed Fiqi.
Siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha Madxaweyne Xasan Sheekh ku doonayo qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxa ayna aaminsan yihiin siyaasiyiinta waqtiga hadda haray in aan lagu hergalin karin doorashada nuucaasi ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com