Duniddu waxay sugaysaa ku dhawaaqista xabbad-joojinta taariikhiga ah ee Qasa iyo heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loo soo afjaro 466 maalmood ee duullaan xasuuqa ay Telaabiib ka wado dhulka Falastiiniyiinta ee marinka Qasa.
Marxaladaha heshiiska;
Heshiisku waxa uu u furmi doonaa saddex waji, mid walbana waxa uu socon doonaa 42 maalmood. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay ka xaajoonayso in heshiiska lagu koobo laba waji, sida ku cad qoraal qabyo ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Anadolu.
* Marxaladda 1: Tallaabooyinka bani’aadamnimada
Marxaladdan ayaa socon doonta muddo 42 maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa sii deynta 33 maxbuus oo Israa’iili ah oo ay gacanta ku heyso Xamaas, kuwaas oo isugu jira kuwo nool iyo kuwa dhintay, oo ay ku jiraan haween, waayeel iyo dad xanuunsan.
Ciidamada Israa’iil ayaa dhanka kale isaga bixi doona deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Qasa oo ay maamullaan.
Sii-deynta ugu horreysa ee maxaabiista Israa’iil ayaa dhici doonta toddobo maalmood ka dib markay xabbad-joojintu billaabato.
Haweeney kasta oo askari Israa’iil ah oo la sii daayo, waxaa lagu beddelan doonaa 50 maxbuus falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 30 xabsi daa’im horey loogu xukumay iyo 20 kale oo lagu xukumay xabsi dheer.
Maxbuus kasta oo rayid ah oo ka mid ah Israa’iiliyiinta ay sii deynayso Xamaas, waxay ku beddelan doontaa , 30 maxbuus Falastiini ah, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, haween, iyo kuwa qaba xaaladdo caafimaad.
* Marxaladda 2: Wada-xaajoodyo ballaaran
Laga billaabo maalinta 16-aad, wejigani waxa uu diiradda saari doonaa doodaha heshiis dhammaystiran oo ku lug leh sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil ee ku hadhay gacanta Xamaas, oo ay ku jiraan askar iyo rayid.
Wada-xaajoodyadu waa in la soo gabagabeeyaa ka hor dhammaadka toddobaadka shanaad ee wejiga koowaad.
* Wajiga 3: Dib u dhiska iyo xasilloonida
Wajigani wuxuu udub dhexaad u noqon doonaa qabanqaabada muddada dheer, oo ay ku jirto dib u dhiska kaabayaasha Qasa iyo dib usoo celinta nabadgalyo waarta.
Xabbad-joojinta Qasa
•Xabbad joojintu waxay billaabanaysaa maalinta ugu horreysa ee heshiiska, iyadoo Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxayso goobaha ay deggan yihiin falastiiniyiinta, isla markaana la hakin doono hawlgallada diyaaradaha dagaalka 10 saacadood maalintii iyo 12 saacadood oo ah maalmaha maxaabiista la isweydaarsanayo.
•Ka bixitaan tartiib tartiib ah ee Qasa ayaa ku xigi doonta, oo ay ku jiraan meelaha muhiimka ah sida isgoyska Netzarim, oo u kala qeybiya waqooyiga iyo koonfurta Qasa, iyo waddada Philadelphi ee xadka Qasa iyo Masar.
•Wajiga labaad, ku dhawaaqida deganaan joogto ah ayaa astaan u noqon doonta joojinta hawlgallada milatari, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil si buuxda, iyo dib u furista isgoysyada isu socodka badeecadaha iyo dadka.
Is-dhaafsiga maxaabiista
•Wajiga koowaad, qof kasta oo rayid Israa’iili ah oo la sii daayo, 30 maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la sii dayn doonaa.
•Askari kasta oo Israa’iili ah oo la sii daayo, 50 maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la sii dayn doonaa, oo ay ku jiraan 30 xabsi daa’im ah iyo 20 xukunno waaweyn ah.
•Heshiiska waxaa ku jira in la sii daayo 47 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo dib loo xiray ka dib markii lagu sii daayay heshiiskii is dhaafsiga maxaabiista ee sannadkii 2011-kii.
•Israa’iil ayaa shuruud ku xirtay in maxaabiista xabsi daa’imka lagu xukumay, taa oo ah inaysan dib ugu laaban karin Daanta Galbeed, si la mid ah shuruudihii heshiiskii 2011-kii markaasoo maxaabiis noocaas ah loo diray Qasa ama dibadda.
•Wada-xaajoodyo ayaa sii socon doona si loo go’aamiyo tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii deynayo si loogu beddelo askarta Israa’iil wejiga labaad ee heshiiska.
•Maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu sii daayo heshiiska ayaan wajihi doonin dib u xirid ,iyadoo loo cuskonaya isla eedeymihii markii hore loo xiray .
Maxaabiista Israa’iil;
Heshiiska waxaa ka mid ah in la sii daayo dhammaan maxaabiista Israa’iil oo lagu qiyaasayo inay gaarayaan ee 98 maxbuus oo Xamaas ay haysato,iyadoo wajiga koowaad lagu sii deyn doono 33 maxbuud , sababo la xiriira arrimo bani’aadanimo, kuwaasoo ay ku jiraan haween, carruur ka yar 19 jir, waayeel 50 jir ah, iyo dad rayid ah oo xaalado caafimaad qaba.
Askarta Israa’iil ayaa la sii deyn doonaa wejiyada xiga, soo celinta maxaabiista dhiman ee nool iyo kuwa dhinteyna waxaa lagu sii deyn doonaa wajiga saddexaad.
Israa’iil waxay hadda haysataa in ka badan 10,300 oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil, halka lagu qiyaaso in 98 Israa’iiliyiin ah ay ku xiran yihiin Qasa. Xamaas ayaa sheegtay in maxaabiis badan oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil, taa oo ka dhigan tiro ka mid ah 98 maxbuus in meydadkooda lagu wareejin doono Israa’iil.
Gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa;
Laga billaabo maalinta ugu horreysa ee heshiiska, gargaarka bini’aadantinimo waxaa la geyn doonaa Qasa 600 oo baabuur maalintii, oo ay ku jiraan 50 baabuur oo shidaal ah. Kala bar sahaydan waxay aadi doontaa waqooyiga Qasa oo ah goobta ugu darran ee wajahaysa xaaladda bani’aadanimo.
Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah ayaa kormeeri doona qaybinta gargaarka dhammaan wejiyada heshiiska.
Soo celinta Falastiiniyiinta barakacay iyo dib u dhiska;
Falastiiniyiinta ka barakacay koonfurta Qasa ayaa loo oggolaan doonaa inay ku laabtaan guryahoodii waqooyiga Qasa laga billaabo maalinta ugu horreysa ee heshiiska.
Dadaalka dib u dhiska ayaa diiradda lagu saari doonaa dayactirka kaabayaasha, oo ay ku jiraan korontada, biyaha, nadaafadda, isgaarsiinta, iyo waddooyinka. Waxaa la hirgelin doonaa doona 60,000 guri guurguura iyo 200,000 teendho oo loogu talagalay qoysaska barokacay.
Habka dib u dhiska wuxuu sidoo kale dabooli doonaa guryaha, dhismayaasha rayidka, iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
Damaanadqaadayaasha heshiiska
Qatar, Masar, iyo Maraykanka ayaa u dhaqmi doona sidii dammaanad qaadayaasha heshiiska, ka dib toddobaadyo ay socdeen wada xaajoodyo xooggan oo lagu dhammaystirayo qodobbada heshiiska.
Heshiiska wuxuu ku soo aadday, dhimashada 46,600 Falastiiniyiin ah ku dhawaad labo boqol oo kun oo dhaawac oo ay ku jiraan 11,000 oo ku hoos jira burburka dhismayaasha, xilli duullaanka Israa’iil ee Qasa oo soo bilowday 7 oktoobar,2023 lagu sheegay xasuuqii ugu naxariista darnaa ee dunidda soo maraya. Hoggaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz oo waxyar ka hor ka falceliyay heshiiska ay oggolaatay Israa’iil, wuxuu ku sheegay mid ‘xannuun badan’, balse muhiimada ay tahay in la badbaadiyo nolasha maxaabiista ku xiran Qasa.
W/Q Iman Jamac