Gudoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Xuseen Isaaq (Al qaadi), ayaa qoraal uu soo saaray ku amray ciidamada amniga gobolka iyo kuwa Nabad ilaalinta ee Midowga Africa in ay la shaqeeyaan Maareeyayaasha garoomada sharciga ah ee ay soo magacowday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland.
Gudoomiyaha ayaa sodoo kale caddeeyay in aysan waxba ka jirin warqadaha uu guddoomiyihii hore ee gobolka soo qoray, Isla markaana uusan wax sharciyad ah u haysanin in uu wax doo magacaabo.