Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland , ayaa dib loogu dhigay kalfadhigga golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, sababo la xariira howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka Bari.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha , ayaana ku wargalisay guddoomiyaasha gobolada iyo kuwa degmooyinka in dib loo dhigay kalfadhigga Golayaasha deegaanka oo lagu waday in bishan furmo, waxaana dib loo dhigay ilaa bisha lixaad ee Juun.
Guddoomiyaasha degmooyinka iyo kuwa gobolada Puntland, ayaana la faray in ay garab istaag iyo taageero u muujiyaan ciidamada Puntland ee hadda wada howlgallo la doonayo in buuraha gobolka Bari looga sifeeyo kooxda Daacish.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com