Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo lagu soo weeraray Drones qaraxyo ka buuxaan (Sawirro)

Ciidamada Puntland , ayaa saakay wada howlgal balaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee wali ku dhuumaneysa qeybo kamid ah buuraha gobolka Bari, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay gabi ahaan soo afjaraan kooxdaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland saakay jihooyin kala duwan oo kamid ah buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari kawada howlgal ka dhan ah Daacish, waxa ayna ciidamada kudaba jiraan dagaallamayaal firxad ah.

Saraakiisha ciidanka ee howlgalka wada ayaa sheegay in howlglka saakay socda uu daba socdo kii shalay ka dhacay buuraha Calmiskaas, waxa ayna ciidamada godadka ka baadigoobayaal dagaalyahannda Daacish oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali.

Dhinaca kale war kasoo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, ayaa lagu sheegay in ciidamadu soo rideen 9 diyaaradood oo drones-ka xambaara qaraxyada, kuwaasi oo kooxaha Daacish ku soo weerareen ciidamada difaaca Puntland.

“Ciidanku waxay soo rideen 9- drone oo argagixisada Daacish isku dayday in ay isticmaasho, god ah talis weyn oo argagixsadu gashay, ayaa hada Ciidanku duqeynayaan.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howlglka ciribtirka argagacisada.

Ciidamada Puntland ayaa howlglka ay wadaan buuraha gobolka Bari ku doonaya in gabi ahaan kusoo afjarana jiritaanka dagaallamayaasha hubeysan ee Daacish, waxa ayna ciidamada shalay dileen xubno badan oo katirsanaa kooxdaasi oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faa’iiada iyo dhibaatada laga dhaxlo heyaddaha sirdoonka iyo Nabad sugida?

Caydiid Ali

Akhriso: Warqadii lagu damiintay C/raxmaan C/shakuur iyo Shuruudo adag oo lagu xiray Damaanadii lagu daayay 

admin

Isbeddelka Siyaasadda Dowlada Kenya ee Soomaaliya Maxaa Sababay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---