Waxaa xalay jugta qaraxyo xooggan iyo rasaas ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Daarusalaam, waxaana jugta qaraxyada la maqlay ay cabsi badan ku abuureen dadka shacabka ah.
War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda, waxa ayna tilmaameen in kooxda Al Shabaab isku dayeen in ay abuuraan cabsi gelin ayna miinooyin been abuur ah ku dhajiyeen goobo ganacsi oo kuyaalla degmada Daarusalaam.
”Kooxaha khawaarijta ayaa xalay isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya.
Booliiska warka kasoo baxay , ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxyada xalay magaalada Muqdisho laga maqlay ay ahaayeen kuwa dheemish ah oo aysan ka dhalan khasaaro nafeed iyo sidoo kale khasaaro hantiyadeed, waxa ayna xuseen booliiska in ciidamada qaadeen tallaabooyin deg deg ah.
”Miinooyinkaas waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan. Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas. Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada” ayaa lagu yiri warka booliiska soo saraeen.
Qaraxyada xalay laga maqlay eybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa imaanaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ammaanka caasimadda si weyn usoo hagaagayay ayna yaraayeen in magaalada ka dhacaan qaraxyo iyo falal kale oo amnidarro ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com