Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Jugta qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Darausalaam, waxaana qaraxyadan aad uga argagaxay shacabka degan qeybo kamid caasimadda Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxyada ayaa ka dhacay goobo ku dhaw aag ciidanka dowladda gaar ahaan kiwa booliisa milataare ku leeyihiin degmada Daarusalaam, waxaana qaraxyada kaddib la maqlay rasaas loo maleenayo in ciidanka dowladda ridayaan..

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray aagga qaraxyada laga maqlay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaanno ku aadan waxa ay ahaayeen qaraxyadan jugtooda sida weyn looga maqlay Muqdisho.

Waxii soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Alllah.

Related posts

Mareykanka oo war ka soo saartay shir madaxeedkii shalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Raila Odinga oo War ka soo saaray go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay una Mahadceliyay dowladda Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---