Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo la wareegay Talisyadii Daacish ee Calmiskaad (Sawirro)

Ciidamada difaaca dowlad goboleedka Puntland ayaa dagaal xooggan kula  wareegay dhammaan talisyadii kooxda argagixisada Daacish ee Calmiskaad, waxa ayna halkaasi ku dileen xubno badan oo katirsanaa Daacish oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa , ayaa sheegay in jab xooggan gaarsiiyeen dagaalyahannadii Daacish, waxa ayna sheegeen in hadda howlgalku socdo ayna sii erynayaan xubno kale oo katirsan kooxda Daacish oo baxsad ku jira.

Warbaahinta taageerta ciidamada maamulka Puntland ee howlgalka ku jira, ayaa soo bandhigay sawirada meydadka xubno katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo u badnaa xubno ajaaniib ah oo kooxdaasi u dagaallameysay kuna sugnaa dhulka buuraha.

Ciidamada maamulka Puntland , ayaa bilaabay howlgal balaaran ay ku doonayaan in dhulka buuraha ah uga saarana kooxda Daacish, waxa ayna ciidamadan taageero dhinaca cirka ah ka helayaan saaxiibada Soomaaliya oo duqeymo ku garaacaya aagga ay joogaan Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo ka digtay halis ku soo wajahan dalal ay ku jirto Somalia

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ciidamada dowlada oo …

Cabdi Cade

Xildhibaanad Surwaal ay xirneed darteed looga saaray fadhi Baarlamaanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---