Allbanaadir.com
NEWS

AUSSOM oo War kasoo saartay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya gaareen

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine , ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan dib loo soo celiyay.

Danjire Souef ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya dhaqan gelinta ballan qaadyadii Ankara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inuu dib u soo cusboonaada xiriirka diblomaasiyadeed,.

Waxa uu sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya sheegay in heshiiska iyo isku soo dhawaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay xoojineyso iskaashiga amniga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee kobcinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed , oo kulan ku yeeshay magaalada Adis Ababa ayaa ku heshiiyey inay dib u soo nooleeyaan metelaad diblomaasiyadeed oo buuxa si loo xoojiyo xiriirka labada dal meeshana looga saaro khilaafkii y dhaxeeyay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ,ayaa waxaa u dhaxeeyay khilaaf meel xun gaaray, waxaana ugu dambeyn khilaafkaasi lagu xaliyay wadahadal labada hoggaamiye ee Xasan Sheekh iyo Abiy ku yeesheen magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado

admin

Qarax Muqdisho lagula beegsaday Sarkaal milateri iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Iran oo iska fogeysay masuuliyadda dilka loo geestay Rabbi Tsoi Kogan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---